Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhaq dhaqaaqyada Ganacsi ee Suuqyada lagu iibiyo qudaarta ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa saameyn ku yeeshay fatahadaha wabiga shabeelle iyo Roobabkii Lixaadka lahaa ka da’ayey Deegaanada Gobolkani Shabeellaha Dhexe oo is biirsaday islamrkana hoos udhigay wax soosaarkii beeraha.
Qaarka mid ah haweenka iibiya qudaarta ee Magaalada Jowhar ayaa Sheegay in Beeraleyda ay ka iibsadaan qudaarta kuwaas oo laga keeno tuulooyinka qaar ee Jowhar hoosyimaada waxa ayna intaasi kudareen in qiimaha la iibinayey qudaarta uu ahaa Sareeya Balse Hadda Isbadal Ladareemayo.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Cabdulle.