Lionel Messi Oo Wadada Guusha Ku Soo Celiyay Barcelona laba Guuldaro kadib.

0
148

Jowhar – (sii saadaalin karaan xilli ciyaareedkan, laakiin hurdada oo ay ka kaceen dhamaadkii ciyaarta iyo gool uu dhaliyay Messi ayaa haatan wadada guusha ku soo celisay.

Korman ayaa daafaca dhexe ku soo bilaabay Ronald Araujo isagoo ka hormariyay Samuel Umtiti halka xiddigaha Sergio Busquets, Philippe Coutinho iyo Martin Braithwaite ay dhamaantood ku soo laabteen shaxda taasoo la micno aheyd in Pedri, Miralem Pjanic iyo Trincao inay keyd galeen.

Barcelona ayaa kubada heysatay bilowgii ciyaarta laakiin Levante ayaa aheyd kooxdii heshay fursadii ugu horeysay markii Gonzalo Melero uu kubad u dhigay De Frutos laakiin gool uma aysan bedelin fursadaas iyadoo goolhaye Marc-Andre ter Stegen uu badbaadiyay.

Goolhaye Aitor Fernandes ayaa isna dhankiisa fursad madax halis aheyd ka beeniyay Antoine Griezmann, iyadoo kubadii ku celiska aheyd uu cirka sarre mariyay Clement Lenglet. Goolhayaha Levante ayaa sidoo kale celiyay fursad kale uu helay Griezmann ka dib baas uu ka helay Messi.

Weerarka Barcelona ayaa miro dhal noqon waayay ilaa bilowgii qeybta labaad sidaasi darteed Koeman ayaa bedel ku soo geliyay Pedri isagoo bixiyay Busquets.

Labada kooxood marka la eego Barcelona ayaa fursadaha ugu badan abuureysay laakiin marka ay Levante ay hesho kubad rogaal celis ah qalqal ayaa ka muuqday kooxda Camp Nou ka dhisan.

Trincao ayaa bedelay Coutinho iyadoo Barcelona ay kooxda martida aheyd ku riixday goolkeeda laakiin Levante ayaa difaac adag xiratay.

Ugu danbeyn shaqo adag oo ay qabteen Braithwaite iyo De Jong ayay keentay in kubada uu helo Messi kaasoo hogaanka u dhiibay Barcelona.

Radio Isnaay ) – Gool uu Lionel Messi dhaliyay dhamaadka qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ka caawiyay kooxda dhibtooneysa ee Barcelona inay 1-0 uga badiso Levante oo marti ku aheyd Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here