Real Madrid Oo Cashar U Dhigtay Kooxda ay Dariska Yihiin ee Atletico Madrid.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa guul ay u qalantay waxay ka gaartay kooxda deriskeeda ah ee Atletico Madrid oo ay 2-0 ku dubteen iyagoo marti ku ahaa garoonka Alfredo di Stefano.

Gool uu dhaliyay Casemiro qeybtii hore ee ciyaarta iyo goolka uu qeybtii labaad iska dhaliyay goolhayaha Atletico Jan Oblak ayay Real Madrid ku dubatay deriskeeda Atletico Madrid.

Natiijadaan waxay ka dhigan tahay in Real Madrid ay u soo dhawaatay hogaanka horyaalka iyagoo kaliya seddex dhibcood ka danbeeya Atletico oo weli horyaalka ku hogaamineysa 26 dhibcood, laakiin kooxda tababare Diego Simeone waxaa u harsan kulan.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh oo ay labada kooxood ku qaadayeen weeraro iyo weerar celis xilli ay Real Madrid ahayd kooxda fiican.

Wiilasha Zidane ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 15-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Atletico Madrid ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaaday weeraro fiican laakiin xiddigaha Real Madrid ayaa si fiican u difaacday.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay iyadoo ay Real Madrid 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta.

Kooxda Atletico Madrid ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Real Madrid ku qaadayay weeraro halis ah xitaa sameeyay fursado ay ka dhalin karaan goolka barbaraha.

Laakiin Atletico ayaa nasiib u yeelan wayday in ay wax gool ah ka dhaliso Kooxda ay jaarka yihiin ee Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here