Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xeebta Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa u dalxiisataga Maalmaha jimcaha iyo khamiista Boqolaal qof oo ka kala Baxa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka mid ah Dadka u Dalxiistaga Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay ka faa, ideystaan Maalmaha Nasiinada ay ku jiraan halka dhalin yarada dagan degmadaasi ay sheegeen in mar kaste ay utaagan yihiin soo dhaweynta dalxiisyaasha.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Cabdulle.