Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sii haayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo Maanta Warbaahinta lahadlay ayaa Sheegay in Hirshabeelle ay u Diyaar Garowday Sugidda Amniga Goobaha ay ka Dhaceyso Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Dhawaan la Rajeynayo in guud ahaan Dalka ay Ka Qabsoonto.
Waxa uu Wasiirku Sheegay in Masuuliyadda Amniga Goobaha ay Doorashada ka Dhaceyso la Wareegi doonaan Ciidamada Booliska Hirshabeelle oo Si Gaar ah loogu Carbiyay Howlaha Doorashada.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cusmaan Cabdalle Cusmaan.