Real Madrid oo Xalay u soo Baxday Wareega 16 ka Champions league.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa awoodeeda ugu soo baxday wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku suuldaareen kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach oo marti ku aheyd garoonka Alfredo di Stefano.

Weeraryahanka Faransiiska ayay ku qaadatay kaliya sagaal daqiiqo inuu hogaanka u dhiibo Los Blancos ka dib markii uu kubad madax fantastik ah ku dhaliyay karoos uu ka helay Lucas Vazquez oo kulankaan wacdarro dhigay.

Nusa saac markii ay socotay ciyaarta Benzma ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Los Blancos isagoo madax ku dhaliyay mar kale ka dib markii uu karoos soo qaaday Luka Modric, wuxuuna ahaa madax aad u qurux badan.

Karim Benzema ayaa noqday xiddigii afaraad ee taariikhda kubada cagta Faransiiska ee gaara 350 gool waayihiisa ciyaareed isagoo ka danbeeya kaliya Thierry Henry (411), Roger Courtois (364) & Michel Platini (354).

Dhamaadkii qeybta hore Luka Modric ayaa gool qurxoon isna shabaqa soo taabsiiyay laakiin goolkaas waxaa loo diiday in Varane uu garab dhaaf ahaa ka hor goolka.

Real Madrid ayaa goolal kale sii raadisay qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo labo jeer birta garaacay. Markii hore waxay timid ka dib markii kubad fantastik ah laga badbaadiyay kabtan fantastik Sergio Ramos iyadoo ku celiskii uu birta garaacay Benzema.

Lix daqiiqo ka dib Benzema ayaa kubad u dhigay Lucas Vazquez kaasoo isna birta garaacay.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku badisay islamarkaana ugu soo baxday kaalinta koowaad ee Group B halka Borussia Monchengladbach oo laga badiyay ay iyadana soo baxday madaama Inter iyo Shakhtar ay iska kala badin waayeen kulankoodii kale.

Inter Milan oo u baahneyd guul si ay u soo baxdo ayaa barbaro la dhaafi weysay Shakhtar Donestk oo iyadana guul u baahneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here