Dowladda Japan oo Qorshe Cajiib ah u Diyaarisay Shacabkeeda.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Japan ayaa qorsheyneysa inay kordhiso tirada dhalmada dalkaas ee uu hoos u dhaca ku yimid iyada oo maalgelineysa Computerka Caqliga leh si ay dadka dalkaasi u sameeyaan xiriirro jaceyl.

Dowladda Japan ayaa sanadka soo socda miisaaniyad kab ah u bilaabi doonta dowladaha hoose ee sii bilaabay isticmaalka Computerka Caqliga leh si la isugu beego lamaaneyaasha.

Sanadkii la soo dhaafay tirade carruurta ku dhalata dalka Japan ayaa hoos u dhacday 865,000 oo cunug waana rikoor aad u hooseeya.

Wadankan dhaqaale ahaan aadka u korayaa ayaa sanadihii la soo dhaafay ku dadaalaya habkii uu uga bixi lahaa liiska dalalka ugu dhalmada yar dunida.

Maalgelinta Computer-ka Caqliga AI waa mid kamid ah dadaallada ugu danbeeyay ee ay dowladda Japan sameyso si ay xal ugu heshi dhibaatada taran yarida ee ka jirta dalka Japan.

Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ee AFP, dowladda Japan ayaa sanadka soo socda dowladaha hoose u qorsheysay lacag dhan 2 Bilyan oo Yen oo u dhiganta $19 Milyan oo Dollar si kor loogu qaado heerka dhalmada.

Qaar kamid ah dowladaha Hoose ee Japan ayaa durba bilaabay bixinta adeegyo isku beegaya lamaaneyaasha kuwaa oo ay maamulaan dad bini aadan ah iyaga oo soo bandhigay barnaamijyo AI ku shaqeeya kuwaa oo la rajeynayo in ay hab casri u falanqeyn doonaan foomamka ay dadku ku soo gudbiyaan faahfaahinta xogahooda shakhsiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here