Waxgaradka Tuulada Jowhar Soomaali oo Gurmadyo Caafimaad ka Dalbaday Hirshabeelle.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Deegaano ka tirsan Gobolkani Shabeellaha Dhexe waxaa ku yar Adeegyada Aas aasiga u ah bulshada sida Caafimaadka,Waxbarshada iyo Ceelal biyo Nadiif ah leh Waxaana ay xaaladahaasi  sabab u noqdeen in dadka ay u Soo safraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Dhibaatooyinka ugu Badan Waxaa Dhaxla Haweenka uurka leh oo Xilliga Foosha ku Dhibtooda Deegaanada ay ku Noolyihiin Maadaama aysan Heli Karin Xarun Caafimaad oo ay ka Helaan Dawooyin Waxaana mararka Qaar Dhacda in Haweenka ay Dhiig Bax u Geeriyooda inta aysan Soo Gaarin Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Jowhar Sida ay Radio Isnaay u Xaqiijisay Madiina Muudey Xaaji oo Umuliso Dhaqameed  ka ah Tuulada Jowhar Soomaali.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here