Dhaawacyada Ciyaartoyda Real Madrid oo Noqday Tusbax Xarigga ka Go’ay.  

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Real Madrid Martin Odegaard ayaa waxaa jahwareeriyay dhaawacyo xilli ciyaareedkan 2020/21.

Isagoo ku jirta da’da ugu muhiimsan ee 21 sanno jir, wuxuu awood u yeelan la’ yahay inuu ka dhex muuqdo Real Madrid ka dib markii laga soo celiyay amaahdii uu wacdaraha ku dhigay ee Real Sociedad.

Haatan ka hor kulanka nolosha ama geerida ah ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Borussia Monchengladbach, xiddigaan ayaa dhaawacmay mar kale.

Odegaard tababar lama uusan qaadanin asxaabtiisa kooxda isagoo xanuun ka dareemay lugtiisa bidix sida ay sheegtay jariirada AS, wuxuuna mari doonaa baaritaan Maanta oo Talaado ah                                                                                                                                                                  .

Looma maleynayo inuu dhaawaciisa halis yahay laakiin waxay tani walwal ku tahay Real Madrid oo wajaheysa jadwal ciriiri ah.

Madrid ayaa habeenka Arbacada la dheeleysa Monchengladbach ka hor inta aysan Sabtida la ciyaarin kooxda Atletico Madrid.

‘Haddii uu awoodi waayo inuu ciyaaro waxay la micno tahay inuu liiska dhaawaca kula biiri doono Fede Valverde.

Odegaard aaya dhaawac ciribta ah la dhibtoonayay waayihiisa ciyaareed, iyadoo Los Blancos ay si dhow u la socoto xaaladiisa madaama uu qaliin u baahan karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here