Red Devils Oo Caawa Kulan Guul Ama Geeri Ah Germany Kusoo Ciyaareysa.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxaha Manchester United iyo RB Leipzig ayaa kulan adag caawa ku kulmaya wareega ugu dambeeya ee heerka Groupyada iyadoo ay labada dhinacba doonayaan inay u gudbaan wareega 16-ka isla markaana midkasta fursadaas haysato.

Man United ayaa dhibco la wadaagta Leipzig iyo Paris Saint-Germain oo ay min 9 dhibcood leeyihiin waxaana ay kaliya u baahan yihiin inay guuldarro ka fogaadaan si ay wareega xiga ugu gudbaan.

RB Leipzig ayaa xilli ciyaareedkii hore si cajiib ah u gaadhay wareega afar dhammaadka ee tartanka balse kooxda ayaa ah mid aan khibrad weyn u lahayn heerkan oo kale maadaama oo ay tahayba sanadkii saddexaad ee ay Group-yada CL ciyaarayaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

RB Leipzig ayay markale safkeeda ka maqnaan doonaan Lukas Klostermann, Fabrice Hartmann, Konrad Laimer, Benjamin Henrichs iyo Hwang Hee-chan.

Shaxda kooxa martida loo yahay ayaan ayaan la filayn inay isbedelo badan yeelan doonto waxaana kusoo bilaaban doona Dani Olmo, Emil Forsberg iyo Yussuf Poulsen.

Dhinaca Man United ma noqon doonto lama filaan in Axel Tuanzebe uu kusoo bilawdo oo uu shax saddex daafac dhexe ah lamaane kula noqdo Harry Maguire iyo Victor Lindelof.

XOGTA KULANKA

Tartanka; Champions League

Garoonka; Red Bull Arena

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here