Ninkii ugu Horeyay oo  Madow ah oo Hogaamin doono Waaxda gaashaandhiga Mareykanka.  

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xoghayaha difaaca u magacaabay janaan Lloyd Austin oo haatan howl gab ah.

Janan Austin, oo 67 sano jir ah, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka.

Janan Austin, oo hogaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray maamulkii Obama, wuxuu u baahnaandoona ansixinta aqalka congress-ka maadaama ay ka yartahay 7 sano markii uu howlgab noqday.

Go’aanka Mr Biden ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii uu ku dhawaaqay xubno kale oo sarsare oo ka tirsan kooxda amniga qaranka.

Mr Biden wuxuu ka adkaaday madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump doorashadii 3-dii November la qabtay, waxaana lagu wadaa in la caleema saaro 20-ka Janaayo ee sanadka 2021-ka.

Mr Trump wuxuu weli diidanyahay inuu aqbalo in looga adkaaday doorashada, asaga oo ku andacoonaya, caddeyn la’aan, inay dhacday wax isdaba marin baahsan.

Qariirada Politico ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay go’aanka Mr Biden uu ku magacaabay Janan Austin inuu noqdo xoghayaha difaaca, iyadoo soo xiganeysa seddex qof oo xaalada wax ka og.

Waxay sheegtay in Janan Austin inuu yahay nin khibrad dheer leh oo aamin ah.

Dhanka kale, CNN ayaa soo xigatay illo sheegaya in Mr Biden uu u soo bandhigay jeneraalka shaqada dhamaadka usbuucii hore iyadoo janankana uu Madaxweynaha ka aqbalay xilka loomagacaabay.

Jananka afarta xiddig leh ayaa sanadihii 2013-16 wuxuu hogaamiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo aaga uu masuulka ka yahay ay ka mid ahayeen Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Aasiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here