Hirshabeelle oo Rajo Wanaagsan ka Muujisay Tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.  

0
115

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xog-haayaha  Cayaaraha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Guuleed Oo Wareysi Siiyay Idaacadda Isnaay ee Magaalada Jowhar Ayaa Sheegay in Xulka  Hirshabeelle Ay ku Jiraan Diyaar Garow adag.

Ciyaartoyda oo laga kala  keenay Degmooyinka Hirshabeelle ayaa Mudo Bil ah Waxa uu Tababar  uga Socdaa Degmada Balcad Ee Gobolkani Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Guuleed  Ayaa Rajo Wanaagsan ka Muujiyay Ciyaartoyda Hirshabeelle Waxaana uu Tilmaamay in Sanadkan ay Guulo Wax ku ool ah ka Keenidoonaan Tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdiwali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here