Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka Maamulka Hirshabeelle ahna kusimaha Wasiirka wasaaradda Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Radio Isnaay uga Warbixiyey safar uu ku tagay Magaalooyinka Baladweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Waxa uu Wasiirku Sheegay in wasaaradda beeraha ay ku guuleysatay in agab loogu talagalay la dagaalanka ayaxa ay uqeybisay Beeraleyda Deegaanada gobolka hiiraan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Wax soo saarka beeraha Hirshabeelle.
Warbixintan Waxaa Soo Jeedinaya :- Cabdicasiis Xasan Cabdulle.