Ruushka oo Magaalada Moscow ka Bilaabay Tallaalka Covid-19.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ruushka ayaa barnaamij talaalka Covid-19 ah ka bilaabay xarumaha caafimaad ee ku yaal magaalada Moscow oo talaalka ku bilaabaya dadka halista ugu badan ugu jira in fayrasku ku dhaco.

Talaalkaa dadka loo bilaabay waxa la yidhaa Sputnik V oo waxa Ruushku soo saaray bishii Ogost.

Shirkadda samaysay ayaa sheegtay in wax tarka talaalkani yahay 95% oo aanu wax saamayn ah oo taban lahayn, laakiin weli lagu wado tijaabo ballaadhan.

Kumanaan qof ayaa durba isku diiwaan geliyey si ay u qaataan labada goor ee hore ee talaalka oo la bixin doono bilowga todobaadkan oo olole talaal ah la bilaabayo, laakiin ilaa haatan ma cadda xaddiga talaalkaas ee Ruushku samayn karo.

Shirkadda talaalkan samaysay ayaa la filayaa in ay soo saarto laba milyan oo irbadood oo talaalkaas ah dhamaadka sannadkan.

Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, oo barnaamijkan shaaciyey todobaadkii hore ayaa sheegay in la siin doono dadka ka shaqeeya iskuullada, daryeelka caafimaadka iyo adeegga bulshada ee magaaladaas oo dadka ku nooli yihiin 13 milyan oo qof.

Wuxuu sheegay in liiska dadka la siinayo la kordhin doono marka talaal badan la soo saaro.

Dadka degan magaalada ee shaqooyinkaa la sheegay ka shaqeeya ee da’doodu u dhaxayso 18-60 jir ayaa loo furi doonaa bog internet-ka ah oo ay iska diiwaan gelin doonaan si ay talaalka uga qaataan 70 goobood oo magaalada ku yaal.

Waxa aan ku jirin dadka la siinayo talaalka dadka 30-kii maalmood ee ugu dambeeyey dawooyin irbado ah qaatay ama cudurrada habdhiska neefsiga ku dhaca laga halay labadii todobaad ee u dambeeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here