Lixda Kooxood Ee Uu Kylian Mbappe Ku Biiri Karo oo la Shaaciyay.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid iyo Liverpool ayaa hogaaminaya kooxaha u tartamaya saxiixa xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Sida ay sheegayaan khabiirada suuqa kala iibsiga labada kooxood ee ka dhisan Spain iyo England ayaa ah kuwa ugu cadcad inay la soo wareegaan xiddiga Faransiiska.

Real Madrid ayaa ah kooxda koowaad ee lala xiriirinaya Mbappe kuwaasoo isku dayaya inay u dhaqaaqaan soo xerogelintiisa bisha Janaayo halka Liverpool ay ku xigta dhanka xiisaha.

Barcelona oo lacag yari baahsan ay heyso ayaa iyadana rajo ka qabto saxiixa xiddigaan halka Bayern Munich, Manchester City iyo Manchester United ay rajo dheer ka qabaan saxiixa Mbappe.

In shaki la helin mustaqbalka Kylian Mbappe ee Paris Saint-Germain ma ahan wax cusub.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ugu sareeya liiska koox walba iyo ciyaartoyda ay dooneyso isagoo dhaliyay 99 gool islamarkaana caawiye ka noqday 58 gool kaliya 136 kulan uu u saftay PSG.

Si kastaba, fursadaha uu uga tagi karo Parc des Princess ma ahan kuwa u adag sidii hore.

21 jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa bisha Juun 2022 iyadoo aan wax guul ah laga gaarin wadahadaladii qandaraas kordhinta.

Neymar ayaana laga yaabaa inuu si aan ku talogal aheyn ugu riixay albaabka laga baxo madaama uu saxaafada ka hor sheegay inuu PSG ka codsanayo saxiixa Lionel Messi.

Neymar ayaa u sheegay wariyayaasha: “Waxaan doonayaa inaan la ciyaaro Messi mar kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here