Dowladda Uk oo Ciidamo Horleh ku Biirineysa Howlgalka Qaramada Midoobe ee Maali.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda UK ayaa sheegtay in ay ciidamo nabad ilaalin ah oo qeyb ka ah howgalka qaramada midoobe ee dalka Mali ay direyso

Ciidankan oo tiradooda ay tahay 300 askari ayaa ku biiraya howlgalka Minusma ee qaramada midoobe .

Maj Gen Nick Borton,  oo ah taliyaha howlgalka ciidanka UK ayaa sheegay in qatarta sii kordheysa ee kooxaha argagaxisada dalka Mali ay sababtay in UK ciidan u dirto dal u jira 2,500 Mile

Ciidanka Britain ayaa la geyn doonaa magaalada GAO ee ku taala bariga dalka Mali.

Saraakiisha ciidanka Britain ayaa sheegay howlgakan uu ka duwan yahay midkii Afgaanistaan oo ciidanka Britain uu ka soo gaaray qasaaro badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here