Arsenal Oo Ka Farxisay Taageerayaasheedii ku Sugnaa Emirates Stadium.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa ku dhameysan doonta kaalinta 1aad ee group-kooda Europa League ka dib markii ay si raaxo leh 4-1 ugu xasuuqeen kooxda Rapid Vienna xilli Emirates Stadium ay soo xaadireen markii ugu horeysay taageerayaal gaaraya 2 kun tan iyo bishii March.

Ciyaartoyda Arsenal ayaa sacab ku soo dhaweeyay taageerayaasha ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin iyadoo taageerayaashii nasiibka u helay inay daawadaan kulankaan ay ka heleen ciyaar xiiso badan oo ay Gunners gacanta sarre heysatay.

Alexandre Lacazette ayaa goolasha daah furay daqiiqadii 10aad isagoo darbo gantaal cajiib ah ku dawaqiyay goolhaye Richard Strebinger.

Sideed daqiiqo ka dib Pablo Mari oo ka soo laabtay dhaawacii canqowga ee soo gaaray kulankii Manchester City ee 17kii Juun ayaa madax ku dhaliyay koorno uu soo qaaday Reiss Nelson.

Arsenal ayaa cadaadiska sii saartay kooxda martida aheyd iyagoo helay goolka seddexaad oo ahaa mid si qurux badan looga soo shaqeeyay, Eddie Nketiah oo ay isfahmeen Nelson ayaa hogaanka u sii dheereeyay Gunners.

Vienna ayaa gool soo ceshatay wax yar ka dib waqtigii nasashada ka dib gool uu u saxiixay xiddiga reer Japan Koya Katagawa laakiin kooxda reer Austria mar kale ayaa shabaqa la soo taabtay.

Ka dib markii ay Nicolas Pepe iyo Nketiah ay qasaariyeen fursado dahabi ah, Arsenal ayaa dhaliyay goolkeeda afaraad iyadoo uu Emile Smith Rowe uu shabaqa cusjiyay kubad baas ah uu ka helay Pepe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here