Neymar Oo Xalay Old Trafford Ku Jiid-Jiiday Manchester United.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paris Saint-Germain ayaa 3-1 ku garaacday Manchester United oo marti loogu ahaa Old Trafford iyadoo Group H uu si rasmi ah u noqday group-ka geerida madaama ay seddex kooxood 9 dhibcood isla leeyihiin iyadoo hal kulan uu ka harsan yahay wareega group-yada.

Kooxda Faransiiska oo guuldarro kala kulantay United kulankii Paris ayaa aargudatay iyadoo Neymar oo labo gool dhaliyay iyo Marquinhos oo gool dhaliyay ay guusha ku gaareen halka Rashford uu goolka qura uu u dhaliyay Man United iyadoo Fred uu casaan ka qaatay United bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Man United, PSG iyo RB Leipzig oo 4-3 kaga soo badisay caawa kooxda Istanbul Baseksehir inay wada leeyihiin 9 dhibcood, iyadoo hal kulan kaliya uu ka harsan yahay Group H.

PSG waxay kulanka ugu danbeeya martigelineysaa Istanbil Baseksehir halka Man United ay u safreysa kooxda adag ee Jarmalka RB Leipzig.

Paris Saint-Germain ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyagoo hogaanka u qabtay kaliya markii ay socotay lix daqiiqo, Kylian Mbappe ayaa iska soo garab maray Scott McTominay sida inuusan hortaagneyn oo kale, iyadoo darbada Mbappe uu celiyay Maguire laakiin kubada oo cirka sarre gashay ayaa waxaa xagal adag ku helay Neymar oo ka dhex bixiyay goolka.

Daqiiqadii 23aad Fred ayaa ka badbaaday in casaan la siiyo ka dib markii uu herdiyay xiddiga khadka dhexe ee PSG, inkastoo garsooraha uu dhacdada ka daawaday shaashada dhinac taala garoonka hadana waxa uu doortay inuu siiyo kaliya calaamada hurdiga.

Inkastoo ay Man United ku adkeyd kubad isku dhiibta 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay hadana waxay ku guuleysteen inay helaan goolka barbaraha daqiiqadii 32aad.

Kubad uu garabka midig u soo bixiyay goolhaye Keylar Navas ayaa waxaa helay Wan-Bissaka oo u celiyay Rashford kaasoo darbadiisa uu lugta u dhigay Diallo iyadoo ay taasi keentay in Navas uu dhinac u go’o islamakaana ay kubada ku nasato shabaqa. Waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah qeybtii hore ee ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here