Dagaalka Adag Ee Kulanka Caawa Manchester United vs PSG   iyo Shaxda Macquulka Ah.

0
143

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United oo hal dhibic oo kaliya ugu baahan si ay iskaga xaadiriso wareegga 16ka tartanka Champions League ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford ku qaabilaysaa naadigiisaa naadigii finalka tartankan tegay xili ciyaareedkii hore ee Koobka lagaga guuleystay ee PSG.

Red Devils ayaa ugu sarraysa Hormada H, waxaanay ogtahay in kaliya ay tahay inay guul-darro ka badbaado si ay booskeeda wareegga xiga u diyaarsato, laakiin haddii laga badiyo ayay xaaladdu isbeddeli kartaa oo ay noqon doontaa inay si adag u dagaallanto illaa ciyaarta ugu dambaysa.

Jamaahiirta Manchester United ayaa ka baqayay in kooxdoodu hadho markii lasoo saaray isku-aadka ee ay arkeen inay ku dhaceen PSG iyo RB Leipzig, laakiin labadii ciyaarood ee ugu horreeyey ayay soo garaaceen labada kooxood ee ay ka baqayeen ka hor intii aanay Istanbul Basaksehir si lama filaan ah ugu soo karbaashin waddanka Turkey inkasta oo United ay kaga aargoosatay Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kalsooni buuxda ku qaba in xiddigihiisu ay awoodi doonaan inay iska dhiciyaan PSG oo ay ugu yaraan dhibicda ay u baahanyihiin ka qaadan doonaan, iyadoo uu adeegsan doono Edinson Cavani oo wacdaro ka dhigay guushii soolaabashada ahayd ee ay ka gaadheen Southampton Axaddii.

Dhinaca kale, PSG oo kusoo jirtay dhibaatooyin kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka Ligue 1 oo ay Monoco 3-2 ku garaacday iyagoo laba gool qaybta hore dhashaday iyo in Bordeaux ay barbarro 2-2 ah ku qabatay ayaa waxay kooxda tababare Thomas Tuchel ka  dhigaysaa mid ka nugul khadka difaaca oo si fudud goolal looga dhalin karayo, taas oo ay Man United na ku samayn karto marka ay caawa kulmaan.

Kooxda reer France oo garoonkeeda Parc des Prince ay laba jeer oo isku xigta ku garaacday Manchester United, waxay u diyaarsan tahay dagaal ay hoggaamiyeyaal ka noqon doonaan Neymar, Mbappe, Verratti iyo Angel di Maria oo ay ugu yaraan doonayso inay kaga aarsato Manchester United, booskeeda wareegga xigana fursaddeeda ku wanaajisan karta.

Group H waxa hoggaaminaysa Man United oo haysata sagaal dhibcood, PSG iyo RB Leipzig waxay iyaguna leeyihiin min 6, taas oo ka dhigan in haddii ay labada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here