Qaramada Midoobay iyo Dowladda Itoobiya oo Heshiis kala Saxiixday.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay heshiis la saxiixatay dowladda Itoobiya si loogu oggolaado in gargaar bani’aadamnimo “oo aan la carqaladeyn” loo gaarsiiyo gobolka Tigree ee xasaradu ka taagan tahay, ugu yaraan qaybaha hoos yimaada dawladda federaalka, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sidaasi warisay Arbacadii.

Tani waxa ay u oggolaan doontaa gargaarka ugu horreeya ee gobolka oo ay ku nool yihiin lix milyan oo qof oo ku go’doomay dagaalladii billowday bil ka hor ee u dhexeeyay Dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada federaalka eeTigray, oo mid walba kan kale u arko mid sharci-darro ah.

Muddo toddobaadyo ah, UN-ka iyo kuwa kaleba waxa ay codsanayeen in gargaar lala soo gaaro iyadoo ay jiraan warar sheegaya in cunno, dawooyin iyo agabyo kale ay ka dhammaadeen dadka barakacyaasha ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in howlgalka ugu horeeya ee lagu fulinayo ay ku salaysnaa doonta qiimeynta baahiyaha ay qabaan barakacyaash isla markaana la bilaabi doono Arbacada.

Maanta oo Arbacada ah ayaa laga joogaa bil tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay hawlgal milatari oo ka dhan ah xoogaga daacada u ah jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF)

Abiy, oo sanadkii hore ku guulaystay abaal gudka Nabada ee Nobel, ayaa diiday fikirka wadahadalka ee madaxda TPLF, kuwaas oo baxsad ku jira laakiin wuxuu sheegay in ay dagaalka sii wadayaan xitaa ka dib markay dawladu dhamaadkii usbuucan ku dhawaaqday guul ka dib markii ay ku dhawaaqday qabashada caasimada gobolka, Mekelle. .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here