Liverpool Oo Xalay U Soo Baxday Wareega 16ka Champions League.

0
161

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa u soo gudubtay wareega 16ka Champions League ka dib markii guul ciriiri ah oo 1-0 ay ka gaareen kooxda Ajax oo marti ku aheyd garoonka Anfield iyadoo Curtis Jones uu isku qoray taariikhda Liverpool.

Reds oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed la jecleysto ayaa 1-0 ku dubatay Ajax iyadoo uu goolka u saxiixay da’ yarka Curtis Jones oo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Champions League halka uu noqday xiddigii 3aad ee ugu da’da yaraa ee Champions League gool uga dhaliya Reds.

Liverpool waxaa u soo baxay goolhaye laga yaabay iyadoo goolhayaha da’da yar uu wacdarro dhigay islamarkaana fursado waa weyn ka beeniyay caawa kooxda Ajax.

Liverpool ayaa soo baxday iyagoo ku hogaaminaya Group D 12 dhibcood, waxaa kaalinta labaad ku jirta Atalanta oo leh 8 dhibcood ka dib barbaro 1-1 oo ay la galeen kooxda reer Denmark ee Midjjylland iyadoo Ajax ay ku jirto kaalinta 3aad iyagoo leh 7 dhibcood.

Kulanka ugu danbeeya Group D ee Ajax iyo Atalanta ayaa lagu kala bixi doonaa iyadoo kooxdii badisa ay Liverpool kula biiri doonto wareega 16ka halka haddii ay barbaro galaan ay Atalanta soo bixi doonto.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu ku soo bilaabo kulankaan goolhayihii seddexaad Kelleher ka dib markii uu dhaawacmay goolhayaha reer Brazil Alisson kaasoo garoomada ka maqnaanaya muddo 10 maalmood ah.

Reds ayaa heshay fursadii ugu fiicneyd ee ay gool ku dhalin kareen bilowgii qeybta hore ee ciyaarta markii kubad uu u Mohamed Salah u dhigay Jones uu xiddiga da’da yar birta ku garaacay.

Laakiin kooxda martida aheyd ayaa wacdarro dhigtay wixii ka danbeeyay fursadaas iyadoo goolhaye Kelleher uu sameeyay badbaadin fantastik ah, waxaana qeybtii hore kala maray barbaro goolal la’aan ah iyadoo Ajax ay kubada inteeda badan heysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here