Isku Aadka Wareega 3aad Ee Koobka FA Cup Oo La Soo Saaray.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa la soo saaray isku aadka wareega seddexaad ee koobka FA Cup iyadoo kulamo xiiso leh ay ka soo baxeen.

Wareega seddexaad ee FA Cup waxaa la ciyaari doonaa isbuuc dhamaadka 9ka iyo 10ka bisha Janaayo 2021 iyadoo 32da kooxood ee ka soo gudba wareegaan ay mid walba heli doonto abaalmarin lacageed oo gaaresya 82 kun ginni.

Arsenal ayaa ah kooxda difaacaneysa koobka iyagoo ah kooxda ugu guulaha badan koobkaan oo ay qaadeen rikoodh 14 jeer ah. Gunners waxay wareega seddexaad ee FA Cup garoonkeeda ku soo dhaweyneysaa kooxda Newcastle ee horyaalka Premier League ka dhisan.

Man United oo semi-finalka FA Cup gaartay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa ku bilaabaneysa FA Cup iyagoo soo dhaweynaya kooxda heerka labaad ee Watford.

Kooxda horyaalka Premier League heysata ee Liverpool waxay kulankooda ugu horeeya ee FA Cup ay marti u noqon doonaan kooxda Premier League ee Aston Villa.

Chelsea waxay ku bilaabaneysaa xilli ciyaareedkeeda FA Cup kulan daciif ah iyagoo wajahaya kooxda heer hosoe ee Morecambe

Man City waxay garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweyn doontaa kooxda heerka labaad ee Birmingham City

Kooxda ugu hooseysa heerarka kubada cagta Ingariiska ee Marine ayaa la ciyaareyso kooxda hogaamineysa Premier League ee Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here