Wax badan ka ogow Kulanka Caawa ee Shakhtar vs Real Madrid.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa ku sugan waddanka Ukraine oo ay marti ugu tahay kooxda Shakhtar Donetsk oo kulankii hore si xun ugu garaacday magaalada Madrid.

Zinedine Zidane ayay kooxdiisu u baahan tahay inay guul ka keento ciyaartan si ay uga soo gudubto Group B oo ay kaalinta labaad kaga jirto hadda, laakiin haddii laga badiyo, waxa xumaan doonta rajada ay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ugu sii jiri doonto.

Los Blancos ayaa haysata toddoba dhibcood iyadoo laba ciyaarood u hadhsan yihiin, waxaanay fadhidaa kaalinta labaad oo ay hal dhibic ka dambayso Borussia Monchengladbach oo siddeed dhibcood leh.

Laakiin Shakhtar Donetsk ayaa lasoo sinmi doonta haddii ay garaacdo Real Madrid, taas oo ka dhigan inay Real Madrid kaalinta saddexaad u dhici doonto maadaama ay labada ciyaaroodba garaacday Real.

Labada kooxood ee hirdanka ugu weyni u dhaxeeyo ayaa ah Real Madrid iyo Shakhtar Donetsk oo iyaguna ku kala bixi kara ciyaarta caawa, balse Monchengladbach ayaa iyadu u baahan inay dhibic kaliya ka keento ciyaarta ay Inter Milan la dheelayso caawa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Shakhtar Donetsk vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 8:55pm

Garoonka: Stadion NSK Olimpiyskiy, Kyiv

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here