Maroodi Xero ku Silicsanaa oo Duurka lagu Sii Daayay.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maroodi aad u miisaan badan oo mar lagu tilmaamay inuu yahay maroodiga ugu go’adoonsan dunida ayaa la geeyey Cambodia ka dib markii laga soo samatabixiyey beer xawayaan oo uu ku silicsanaa oo ku taal Pakistan.

Maroodigan oo magaciisa la yidhaa Kaavan ayaa dadka soo dhaweeyey wax aka mid ahayd heesaaga Cher oo bixisay lacagta qareennadii ka shaqeeyey in maroodigaa laga soo daayo beertaa uu ku jiray.

Kaavan wuxuu 35 sano ku jiray xero liidata oo abaar ah, waxaanu keli ku noolaa halkaa tan iyo sannadkii 2012 oo dheddigii la noolayd dhimatay.

Waxa lagu sii dayn doonaa seere weyn oo ku yaal Cambodia oo si xor ah ayuu u dhex qaadi doonaa kaymahaas oo ay ku nool yihiin maroodi kale oo raxan raxan ahi.

“Aad baan ugu faraxsanahay in halkan la keenay” ayay tidhi Cher oo wakaaladda wararka ee AFP la hadashay.

Wasiir ku xigeenka deegaanka Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dalkiisu “ku faraxsan yahay inuu qaabilo Kaavan”.

Ka hor intaa lagu sii dayn seeraha, ayaa wadaado Buddhist ahi Kaavan siiyeen muus iyo xabxab, waanay u duceeyeen oo biyo tahliil ah ku rusheeyeen.

Sii daynta maroodigan Kaavan waxay ka dhalatay olole socday muddo sannado ah oo ay wadeen dad u dhaqdhaqaaqa daryeelka xawayaanka ee la yidhaa FPI iyo heesaaga Cher oo qudheedu ka mid ah aasaasayaasha hay’ad khayri ah oo ka shaqaysa daryeelka duur joogta oo la yidhaa Free the Wild.

Cher ayaa qabsatay koox qareeno ah si ay uga shaqeeyaan in maroodiga laga sii daayo beerta xawayaanka ee uu ku jiray, kama damaystiina waxay ku guulaysteen in ay maxkamadi xukunto in la sii daayo maroodigaa bishii May ee sannadkan. Waxaanay heesaagu ku tilmaantay dhacdadaas “tii ugu mudnayd” nolosheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here