Joe Baden oo Haween u Doortay Qeybta Warfaafinta Aqalka Cad.

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Joe Biden, ayaa magacaabay koox khibrad leh oo u qaabilsanaan doonta warfaafinta oo dhammaantood haween ah. Arintaas oo xafiiskiisu ku sheegay in ay tahay markii ugu horraysay taariikhda dalka ee sidaas la yeelo.

Kooxdan warfaafinta waxa madax u noqon doonta haweenayda la yidhaa Kate Bedingfield oo ah ku xigeenkii hore ee agaasimaha isgaadhsiinta ololihii Biden.

Jen Psaki oo iyadna ahayd agaasimihii warfaafinta ee Aqalka Cad markii Barack Obama xilka hayey, ayaa sidoo kalen noqon doonta af-hayeenkiisa.

Biden ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu soo dhisi doono maamul isku dhafan oo dalka oo dhami iska dhex arko.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta shaaciyo kooxdii ugu horraysay ee ah koox khibrad leh oo u xilsaaran warbaahinta Aqalka Cad oo dhamaantood haween ah” ayuu Biden ku yidhi warbixin uu soo saaray.

“Haweenkan aqoonta iyo waayo aragnimada lihi waxay shaqada ku soo kordhin doonaan aragti cusub iyo heelanaan midaysayn oo ay ku biirin doonaan dib u dhiska togan ee dalkan”

Labada haween ah ugu khibradd badan ee noqon doona kaaliyeyaasha warbaahinta ee madaxweyn-xigeenka la doortay, Kamala Haris, waxay noqon dooonaan Symone Sanders iyo Ashley Etienne.

Xilalka kaaliyeyaasha warbaahintu maaha sida xilalka wasiirrada oo kale oo waajib maaha in Senate-ku ansixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here