Kooxda Real Madrid oo Guuldaro Weyn la Kulantay Kulankii Deportivo Alaves.

0
204

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa soo bandhigaty ciyaar ay ka maqneyd xasiloonida diiraddana ma aysan saareyn oo ciyaartooyda kooxdaas waxa ay ka sheeganayeen in si qaldan ay u qaadanayeen go`aanada , waxaana looga badiyay 2/1

Deportivo Alaves waxa ay soo bandhigeen ciyaar kalsooni  leh mar waliba waa ay ku dhiranayeen in ay tagaan afka hore Real , waxa ayna Real sidoo kale ku dhibaatoodeen in si sax ah u tagaan inkastoo daafaca iyo goolahayaha Deportivo Alaves is hor taageen isku dayadii Real.

Deportivo Alaves waxa ay ka sheegteen qasaarinta fursado , waxaan guusha ka caawiyay qaladkii goolhayaha Real iyo daafaca waxa ayna goolasha kooxda martida kala yimaadeen daqiiqadihii 5-aad waxa ayna aheyd rigoore

Qeybta labaad  durba Real waxaa lagu helay gool labaad ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha oo baas qalday waxa ayna aheyd daqiiqaddii 49-aad

Ka dib Real isku dayo kala duwan ayay sameeyeen balse ma aysan helin xal waxaan Real daqiqaddii 28aad saareen Hazard oo u muuqday mid dhaawacmay waxaana lagu badalay waqtigaas Rodygro , waxa ayna Real sameeyeen isku dayo kala duwan inkastoo xal weyn u helin afka hore kooxda martida ah

Si waliba Real waxa ay goolka sharafta heleen daqiiqadii 86-aad waxaan saxiixay Casemero xilli  ay xusid mudan tahay in Real ay ka muuqatay kulankaan dhibaato dhanka afka hore waana mushkilad aan qarsooneyn .

Kooxda martida waa ay mudnaayeen guusha ay Real ka gaareen marka la eego taatiko ahaan iyo farsamo waxa ayna soo bandhigeen ciyaar geesinimo leh..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here