Qaramada Midoobay oo ka Digtay Dagaal ka Dhaca Bariga Dhexe.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xiisadaha sii kordhaya ee bariga dhexe kadib dilkii loo gaystay Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee Nukliyeerka Mohsen Fakhrizadeh.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay is xakameyn iyo xaaladda la dejiyo wuxuuna cambaareeyay dil kasta oo sharci daro ah.

Hoggaanka Iiraan ayaa eedda dusha uga tuuray Israa’iil waxayna ballan qaadeen inay u aar gudi doonaan Mohsen Fakhrizadeh.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in meydkiisa la geeyay masaajidka Imaam Reza ee magaalada Mashhad ka hor aaska maalinta Isniinta ah.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, wuxuu umuuqday inuu muujinayo in aargoosiga uusan dhaqso u dhici doonin. Maamulka Israil ayaa ka aamusay dilka.

Dhanka kale, hogaamiyaha sare ee ruuxiga ah ee Iran, Aayatullah Cali Khaaminei, ayaa dhaleeceeyey dilka saynisyahankii ugu sarreeyey khubarada nukliyeerka Iran.

Waxaanu qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku tirtirsiyey xukuumadda Iran in ay “si dhab ah u daba gasho fal dembiyeedkan oo ay ciqaabto iyaga iyo ciddii amarka ku siisay ba”.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil Aan Wax wanaagsan laga Dhaxli Doonin”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here