Shacabka Gobolka Tigreyga oo ay Xaalad Adag Soo Wajahday.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Milatariga dowladda Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay duqeyn culus ku bilaabeen magaalada Maqalle ee caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Hoggaamiyaha jabhadda TPLF, Debretsion Gebremichael,ayaa farriin qoraaleed uu u diray wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidamada dowladdu ay duqeymo culus ku billablen magaalada Maqalle.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa horay u sheegay in ciidamadoodu aanay beegsan doonin deegaannada ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Billene Seyoum oo u hadashay xukuumadda ayaa iyadana sheegtay in badqabka muwaadiniinta ku nool magaalada Maqalle iyo guud ahaan gobolka Tigray ay mudnaan gooni ah siinayaan.

Xukuumadda ayaa todobaadkii hore diginin kama dambeys ah u dirtay jabhadda TPLF ee halkaas kula dagaallamaysa ciidamada dowladda iyada oo ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan haddii kale ay kula diriri doonaan magaalada.

Hay’adaha gargaarka ayaa walaac ka muujinaya in weerarka ku billowday Maqalle laga dhaxli karo khasaaro baaxad leh oo soo gaara dadka rayidka ah ee magaaladaasi ku nool kuwaa oo tiradooda lagu qiyaasayo nus milyan qof.

4-tii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Abiy uu amar ku siiyay ciidamada millatariga in ay weerar ku qaadaan gobolka Tigray oo xarun u ah jabhadda TPLF oo siyaasad ahaan ay isku maandhaafsanyihiin.

Colaadda ka holcaysa gobolka ayaa sababtay in ay gobolkaasi ka qaxaan dad ka badan 43,000 oo qof kuwaa oo maciin biday dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here