Beeraleyda Magaalada Jowhar oo Taageero ka Dalbaday Hey’adaha Deeqda Bixiya.

0
156

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Beeraleeyda Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sanadan Wajahaya dhibatooyin badan kadib markii Rajo xumo ay kamuujiyeen Dalagyadii u beerna oo inta ugu badan ay baabi’iyeen Fatahaadaha Wabiga Shabeelle waxa ayna sheegeen in qarashkii ay heysteen ay galiyeen Beerahooda sidaas darteedana ay ku adagtahay in Xilliga jilaalka oo haatan la galay ay kafaa’ideystaan Dalagyada la Beero.

Yacquub Buulle Cali oo ah Beeraleey kunool Tuulada Bannaneey ee hoostimaada Jowhar ahna Aqoonyahan bartay Cilmiga Beeraha ayaa Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle iyo Hey’addaha Samafalka ka Dalbaday in Laga Taageero Sidii ay Wax soo Saarkooda Beeraha U Xoojin lahaayeen.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdicasiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here