Joe Biden oo Magacaabay Agaasimaha Ciidamada Sirdoonka Mareykanka.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Joe Baiden ayaa u magacaabay marwo Avril Haines in ay noqoto agaasimaha sirdoonka qaranka ee dalkaasi.

Haines ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaasi qabata taariikhda Dalka Mareykanka.

Jagadan ayaa ku suntan in ay tahay tan ugu sarreysa dhanka sirdoonka Mareykanka, xafiiska haweeneydan ayaana noqonaya midka kormeera howlaha 12 wakaaladood oo sirdoon ah sidoo kalena ay u soo tebiyaan warbixinnada.

Dadka lafagura arrimaha Mareykanka ayaa sheegay in magacaabidda marwo Haines iyo Gina Haspel oo iyadana maamusha CIA-da ay xoojinayaan kaalinta haweenka ay kudhex leeyihiin sirdoonka Mareykanka.

Haines ayaa la sheegay in ay soo qabatay xilal badan oo waaxda sirdoonka ah, hase yeeshee aanay ka dhex iman in beesha sirdoonka sidoo kalena aanay qaadan intaba bartoos ah oo la xariira howlaha sirdoonka.

Haweeneydan 51 jir ah ayaa ka soo jeedda qoys dabaqadda dhexe ah oo reer New York ah, waxaa iska dhalay hooyo farashaxaniiste ah iyo aabbe buuniku ah cilmiga Kimistariga.

Shahaadada kowaad waxay ku qaadatay cilmiga Fiisigiska, haseyeeshee waxay markii dambe u weecatay dhanka sharciga oo ay ku qaadatay shahaadada PhD-da 2001-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here