Nin Sanad Gudahiisa Ku Noqday Shaqsiga labaad ee ugu Taajirsan Dunida.

0
156

Jowhar –( Radio Isnaay ) – Qiimaha Saamiyada Shirkadda Tesla oo cirka isku shareeray ayaa ka dhigay Elin Musk inuu noqdo qofka labaad ee dunida ugu taajirsan iyada oo ay hantidiisu ku dhowdahay $128 Bilyan oo Doolar sida ay baahisay Shirkadda Bloom berg.

Elon Musk ayaa Talaadadii dhaafay Bill Gates oo isagu kaalinta labaad ku jiray liiska kala horreynta dadka ugu taajirsan dunida haatan Elon waxaa ka hanti badan milkiilaha Shirkadda Amazon oo isagu ah ninka ugu hodansan dunida oo dhan.

Bloomberg ayaa sheegtay in Maamulaha ugu sarreeya Shirkadda Tesla uusan adkan kaliya kusiyaadiyay hantadiisa ilaa $100 Bilyan oo Doollar isagaoo ka soo kicitamay kaalinta 35-aad oo uu markii hore kaga jiray liiska dadka ugu taajirsan dunida isaga hadda noqday qofka labaad ee dunida ugu hanti badan.

Hantida Elon Musk ayaa ah mid kuxiran Saamiyada uu kuleeyahay Shirkadda Tesla isaga oo saami ahaan u qaata mushaarka uu Shirkadda Ka qaato waago’aan wanaagsan oo uu haatan miraheeda guranayo.

Shirkadda Tesla ayaa ka taajirtay soo saaridda gawaarida Korontada kushaqeeya kuwaa oo haatan noqonaya kuwa loogu iibsiga badan yahay Ameerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here