Kooxda Real Madrid Oo Garoonka San Siro Ku Dubatay Inter Milan.

0
208

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa si weyn u nooleysay rajadeeda inay u soo baxdo wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Inter Milan oo 10 xiddig ku ciyaareysay ka dib casaan laga siiyay Arturo Vidal qeybtii hore ee ciyaarta.

Rigoore uu saxiixay Eden Hazard iyo gool uu taabashadiisii ugu horeysay ku dhaliyay Rodrygo inkastoo goolka loo qoray inuu iska dhaliyay xiddigii hore ee Los Blancos Achraf Hakimi ayay Real Madrid ku garaacday Inter oo marti loogu ahaa garoonka San Siro.

Kooxda Zidane ayaa ku jirta kaalinta labaad ee Group B iyagoo leh 7 dhibcood, waxay hal dhibic ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Borussia Monchengladbach, Shakhtar Donetsk ayaa kaalinta 3aad ku jirta oo leh 4 dhibcood halka Inter Milan ay ugu hooseyso group-ka iyagoo leh 2 dhibcood.

Shaxda Ay Labada Kooxood Ku Soo Galeen:

Real Madrid: Courtois, Carvajal, Varane, Nacho, Mendy, Modric, Kroos, Ødegaard, Lucas Vázquez, Mariano, Hazard

Inter Milan: Handanovic, Bastoni, Skriniar, De Vrij, Hakimi, Barella, Gagliardini, Vidal, Young, Lukaku, Lautaro

Los Blancos ayay ku qaadatay lix daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Nacho uu kubad dhex bixis ah ka helay Kroos laakiin waxaa xerada ganaaxa dhexdeeda ku lagday Barella iyadoo garsoore Anthony Taylor uu rigoore tilmaamay.

Waxaa rigoorada u soo istaagay Eden Hazard oo gool u sarifay inkastoo goolhayaha uu ka raacay kubada. Daqiiqadii 12aad ayay Real Madrid ku dhawaatay inay hogaanka sii dheereystaan laakiin kubadii uu Vazquez ku garaacay goolhaye Handanovic waxaa soo beenisay birta goolka.

Xaalada Inter Milan ayaa ka sii xumaatay daqiiqadii 32aad markii Arturo Vidal loo taagay jaalihiisii labaad islamarkaana ciyaarta laga saaray ka dib markii uu isku taagay garsoore Antony Taylor maadaama laga diiday rigoore uu ku dooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here