Liverpool Oo Loo Diiday Inay Xalay U Soo Baxaan Wareega 16ka UCL.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa caawa lagu jiid jiiday garoonkeeda Anfield ka dib markii ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay kooxda Talyaaniga ee Atalanta kuwaasoo ka aargoostay Reds oo guul weyn ka gaartay kooxda Atalanta markii martida loo ahaa.

Labo gool oo deg deg ah oo ay Atalanta dhalisay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ku hogaamisay guusha iyadoo xiddigaha da’ yar ee Liverpool uga ciyaarayay daafaca la soo bandhigay khibrad yaridooda.

Group D ayaa adkaaday haatan iyadoo Reds ay ku hogaamineyso 9 dhibcood halka Ajax iyo Atalanta ay leeyihiin min 7 dhibcood.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shan bedel ku sameeyay shaxdiisii ugu danbeysay ee Premier League iyadoo Mohamed Salah uu soo laabtay ka dib markii uu ka soo kabsaday Korona Fayras laakiin boosaska daafaca ayaa lagu soo bilaabay xiddigo da’ yar oo aan khibrad badan laheyn halka weerarka ay Mo Salah ku caawinayeen Mane iyo Origi.

Isbedelka badan uu sameeyay tababare Klopp ayaa saameyn ku yeelatay qaab ciyaareedkooda iyagoo soo bandhigay kubad lagu caajiso qeybtii hore ee ciyaarta, mana aysan abuurin wax fursad weyn ah.

Xaqiiqdiina fursadii ugu weyneyd ciyaarta qeybteedii hore waxaa heshay kooxda martida aheyd ee Atalanta iyadoo Robin Gosens uu badbaadin fantastik ah ku qasbay goolhaye Alisson.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here