Qaramada Midoobay oo Malaayiin Doolar ku Caawineysa Qaxootiga Itoobiya.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay qorshe ay kaalmo  bani adaannimo ugu fidinayso qaxootiga ka cararaya dagaallada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Hay’adda ayaa sheegtay in gargaarkaasi aadanennimo u uku kici doono lacag dhan 147 milyan oo dollar uu lagu gacan qaban doono 100.000 oo qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo la filayo in ay qaxootiyoobaan inta u dhexeysa bishan Nofembar ilaa iyo bisha June ee sanadka soo socda.

Farxaan Xaq oo u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad ka badan 95.000 oo qof ay ka barakaceen deegaannnadoodii intii uu socda dagaalka gobolka Tigray ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Jabhadda TPLF.

Ilaa 42.000 oo qof ayuu sheegay in ay ka tallaabeen xudduudda oo ay galeen dalka Suudaan.

Wakaaladda wararka ee Suudaan ayaa Arbacadii sheegtay in qaxootiga Tigray ee dalkaasi magangalyo doonka u soo galaya ay sii kordhayaan tiradooduna ay gaadhay 42, 217 qof.

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa iyaduna saadaalisay in lixda bilooda ee  soo socda ay dalka Suudaan gaari doonaan 200.000 oo qaxooti Itoobiyaan kuwaas oo ka cararaya colaadda ka taagan gobolka Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here