Abiy Axmed oo Gaashaanka ku Dhuftay Qorshaha Beesha Caalamka ee Dagaalka Itoobiya.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa gaashaanka u daruuray in beesha caalamku ay soo farageliso colaadda ka socota gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayuu mudane Abiy kaga codsaday beesha caalamka in ay u cag-dhigto hindisayaasheeda inta uu codsi kaalmo ka imanayo dhanka xukuumadda.

Abiy ayaa sheegay in ay si weyn u tixgelinayaan walaaca beesha caalamka eek u aaddan dirirta ka socota gobolka Tigray.

Itoobiya ayuu sheegay in ay awood buuxda u leedahay gacan ku haynta iyo xakamaynta xaaladaheeda iyada oo ilaalinaysa sharcigeeda iyo xeerarka caalamiga ah intaba.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si kulul ugu gacanseyray wax faragelinshisheeye ah oo lagu sameeyo arrimaha gudaha Itoobiya isaga oo beesha caalamkana ugu baaqay in ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah.

Hadalka ra’iisul wasaare Abiy ayaa yimi xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in dambiyo dagaal ay ka dhashaan colaadda gobolka Tigray gaar ahaan weerarka la filayo in ciidamada dowladdu ay ku qaadaan Maqalle.

Arbacada maanta ah ayay ku egtahay 72-kii saacadood ee ay xukuumaddu u qabatay in ay isa soo dhiibaan jabhadda TPLF ee xaruntoodu tahay magalaada Maqalle.

Dunida ayaa maanta isha ku haysa tallaabada ay ciidamada dowladda u qaadaan dhanka Maqalle iyo TPLF oo wacad ku martay in ay jilibka u aasi doonaan gulufka ciidamada dowladda ee ku soo wajahan Maqalle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here