Waa Maxay Raaligelintii Uu Nicolas Pepe U Qoray Xiddigaha Arsenal Ka Dib Falkii Uu Ku Kacay?

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Arsenal Nicolas pepe ayaa raaligeliyay asxaabtiisa kooxda ka dib markii uu casaan ku qaatay inuu herdiyay xiddiga Leeds United Ezgjan Alioski.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa casaan toos ah loo taagay daqiiqadii 51aad ee kulankii shalay ee Elland Road taasoo qasab ka dhigtay in 40 daqiiqo ay Gunners ku ciyaarto 10 ciyaaryahan iyagoo nasiib ku lahaa inay ka badbaadeen guuldarro.

Tababare Mikel Arteta ayaa dhaleeceeyay Pepe isagoo sheegay inay aheyd wax aan la aqbali karin falkii uu ku kacay.

Pepe ayaa ku raacay tababarihiisa isagoo Instagram soo dhigay maanta raaligelin ku socota asxaabtiisa kooxda iyo taageerayaasha maanta uu lug gooyay kooxdiisa.

“Shalay waxaan kooxdeyda lug gooyay xilli xun oo ciyaarta ah mana jirto marmarsiiyo loo sameyn karo hab dhaqankeyga” ayuu yiri Pepe.

“Aad ayaan ugu xumahay wixii dhacay, waxaan jeclaan lahaa inaan raaligeliyo taageerayaasha, asxaabteyda kooxda, tababaraha iyo qof walba oo kooxda jooga.”

Pepe ayaa seegi doona seddexda kulan ee soo socota isagoo ka maqnaanaya kulamada Burnely, Wolves iyo Tottenham.

Maqnaanshaha xiddiga reer Ivory Coast ayaa ku soo aadeysa xilligii ugu xumaa iyadoo Arsenal ay sidoo kale ka walwalsan tahay dhaawacii soo gaaray Bukayo Saka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here