Xiddig Muhiim ah oo ka Maqnaandoona Real Madrid Kulanka Inter Milan ee Champion ka.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid waxaa ka maqnaan doona xiddigooda Karim Benzema kulanka Champions League ee ay todobaadkan la ciyaarayaan Inter Milan sida ay sheegtay Marca.

Benzema ayaa qaab ciyaareed fiican ugu jiray Los Blancos ka hor kulamadii heerka caalami isagoo shabaqa soo taabtay kulankii Valencia oo ahaa kulankii afaraad oo isku xigta uu gool dhaliyo ka dib Borussia Monchengladbach, Heusca iyo Inter laakiin dhaawac muruqa ah ayuu ku baxay.

Wuxuu seegay kulankii Sabtida ee horyaalka La Liga ee ay Real Madrid barbaraha la galeen Villarreal laakiin inkastoo laga rajo qabay inuu taam u noqdo kulanka Inter waxay haatan u muuqataa inaysan taasi dhici doonin.

Xiddiga reer France ayaa furay goolka kulankii Mestalla isagoo dhaliyay kubad uu meel dheer ka soo qaaday laakiin waxaa la bedelay daqiiqadii 76aad ka dib jug soo gaartay oo uu la maqnaa labadii isbuuc ee ugu danbeysay.

Kulankii Sabtida oo ay Madrid u baahneyd weeraryahankooda ugu muhiimsan ayuu seegay iyadoo xaalada Real Madrid ay sii xumaatay markii Luka Jovic uu soo laabtay isagoo qaba Korona Fayras.

Mariano Diaz oo shabaqa soo taabtay kulankii Villarreal ee Sabtida ayaa ah no.9ka kaliya ee Madrid taamka u ah inkastoo ay kooxda joogaan weeraryahano kale sida Eden Hazard, Marco Ansensio, Vinicius Jr. iyo Rodrygo Goes.

Madrid ayaa la filayaa inay weeraryahanka amaahda ah Hugo Duro ku darsado liiskeeda xiddigaha u ciyaaraya Champions League todobaadkan sida ay sheegtay Marca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here