Trump oo ogaaladay In uu Xilka ku wareejiyo Joe Biden.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xilwareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hay’adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay “sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo”, inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada.

Maamulka Adeegyada Guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay “guulaystaha hadda”.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump.

Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto.

Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd.

Go’aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay’adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay.

Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay’adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan.

Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan.

Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo.

Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here