Khasaaraha ka Dhashay Duufaanta GATI  ee ku Dhufatay Xeebaha Puntland oo Korortay.

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 8 kalluumeesato u dhashay Yaman ayaa la xaqiijiyay iney ku naf wayeen halka 9 qof kale oo ka mid ah dadka degaanka ah ay dhaawacyo kala duwan  kasoo gareen  roobab dabeylo wata oo sacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari, waxaana burburay guryo ku yaalla halkaas oo dabeysha burburisay.

Dadki ku noolaa deegaanka lagu magacaabo Hurdiya oo u dhow Xaafuun ayaa barakacay, kadib markii gudaha deegaanka ay soo gaareen biyaha badda kadib markii ay ku dhufatay duufaan xoogan.

Degmooyin iyo degaano katirsan gobolka Bari, oo dhammaan ku yaal bariga Puntland ayaa roobabku siweyn uga da’een, waxaana kamid ah magaalada xeebta ku taal ee Xaafuun oo roobku si aad ah saamayn ugu yeeshay sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha magaalada Xaafuun ee gobolka Bari Maxamuud Yuusuf.

Roobabka watay duufaanta ayaa saameeyay deegaanno badan waxeyna jareen isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here