Reysul Wasaare Rooble oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Maamulka Gobolka Banaadir.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii xiliyadan ka da’ayay magaalada oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka iyo bilicda Caasimadda.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cusmaan Cabdalle Cusmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here