Kulamada Holaca Ah Ee LaLiga Atletico Madrid vs Barcelona & Villarreal vs Real Madrid.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa safar ku joogta magaalada Madrid oo ay caawa isku haleeli doonaan Atletico Madrid, taas beddelkeeda waxa magaaladan ka ambobaxaysa Real Madrid oo marti u noqonaysa Villarreal.

Saddexda kooxood ee ugu waaweyn horyaalka LaLiga ee loo saadaalinayo inay midkood ku guuleysan doonto koobka xili ciyaareedkan ayaa dhamaantood natiijooyinkooda tododbaadkani ay soo bixi doonaan maanta.

Kooxda qaab ciyaareedka wanaagsan ku jirta ee Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano kusoo dhoweyn doonta dhiggeeda Barcelona oo ciyaar xamaasaddeeda leh laga filayo inay soo bandhigi doonaan.

Atletico oo ku jirta kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta, xili ciyaareedkanna u yahay mid wanaagsan ayaa waxay si adag iskugu diyaarisay sidii ay usii kordhin lahayd dhibaatada Barca oo kaalinta siddeedaad fadhida, isla markaana 11 dhibcood oo kaliya ka heshay toddobadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka xili ciyaareedkan ee illaa hadda ay dheeshay.

Xaqiiqada ah in Barcelona iyo Real Madrid ay labadaba dhibaatooyin haystaan, waxa xili ciyaareedkan rajo badan qabta Atletico Madrid oo ku riyoonaysa inay hanan doonto horyaalkeedii ugu horreeyey tan iyo xili ciyaareedkii 2013-14, waxaana guul ay ka gaadhaan kulanka caawa ee Barca ay usii xoojin doontaa filashadooda ah inay mar kale gacanta ku dhigi doonaan horyaalka.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa toddobadii ciyaarood ee ay dheeshay soo guuleysatay shan ka mid ah, labada kalena barbarro gashay, waxaanay saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeyaan Real Sociedad oo hoggaanka haysa, balse waxa kale oo sii caawinaya inay laba ciyaarood gacanta ku haysato oo haddii ay badiso ay saddex dhibcood hoggaanka kula wareegi karto.

Afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayay dhamaantood si xidhiidh ah kusoo guuleysatay, waxaana guul darro ugu dambaysay ciyaartii ay Real Madrid 1-0 ku garaacday bishii February ee horraantii sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here