Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.
Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.
Warbixintan Waxaa Soo Jeedinaya :- Cabdi wali Axmed Hilowle.