Dowladda Eretrea oo Markii ugu Horeysay ka Hadashay Dagaalka Itoobiya.

0
123

Jowhar- ( Radio Jowhar ) – Dowladda Eritrea oo in muddo ah ka aamusneyd xaaladda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay, maalmo kaddib markii ay xoogagga gobolka Tigray gantaallo ku garaaceen magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Asmara, Mane Gebre-Meskel, ayaa baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka, kusoo afjaray aamusnaantii dowladdiisa.

Xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya ayuu ku eedeeyay inay wadaan wa uu ugu yeedhay “ficillo sheydaan”.

Mr Gebre-Meskel ayaa canaan dusha uga tuuray hoggaanka Tigray-ga xilli uu isbuucii saddexaad galay dagaalka culus ee u dhaxeeya xoogagga gobolkaas iyo ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

Hadalka kooban ee uu wasiirka Warfaafinta Eritrea soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu intaas kusii raaciyay: “Muhiim ma aha inaan xoojinno soo afjaridda aan la saadaalin karin ee xisbiga TPLF”.

Qoraalka, Mane Gebre-Meskel kuma uusan soo hadal qaadin arrinta ku saabsan gantaalladii ay ciidamada Tigray-ga ku rideen magaalada Asmara.

In kastoo Gebre-Meskel uu caan ku ahaa hadallo isdaba joog ah iyo farriimo uu kasoo diri jiray arrimaha la xiriira qaranka Eritrea iyo kuwa gobolka ee khuseeya waddankiisa, haddana waa markii ugu horreysay ee uu mowduucaas taabto tan iyo markii ay colaaddu billaabatay.

Magaca Eritrea ayaa mar walba ku jiray sheekooyinka la xiriira dagaalka ka socda gobolka Tigray, balse dowladda uu madaxweynaha ka yahay  Afweki waxay go;aansatay inay ka gaabsato.

Tan iyo markii uu dagaalka qarxay, hoggaamiyeyaasha Tigray-ga ayaa dowladda Eritrea ku eedeynayay inay gacan siineyso ciidamada federaalka ee ay colaadda kala dhaxeyso iyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here