Frank Lampard Oo Xaqiijiyay Labo Xiddig Oo Ka Maqnaanaya Kulanka Sabtida Ee Premier League

0
159

JOWHAR (Radio Isnaay)Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in Christian Pulisic uu seegi doono kulanka ay Chelsea la ciyaareyso Newcastle horyaalka Premier League isagoo dhaawac ku maqan halka daafaca dhexe Thiago Silva ay u badan tahay inuu maqnaan doono madaama uu safar dheer ku aaday Brazil.

Kooxda Galbeedka London ka dhisan ayaa garoomada ku soo laabaneysa maalinta Sabtida laakiin inta badan ciyaartoydooda weli kuma aysan soo noqonin tababarka madaama xiddig walba oo ka soo laabanaya kulamada heerka caalami laga doonayo inuu iska baaro Korona Fayras ka hor inta aan loo ogolaanin xarunta tababarka.

Pulisic iyo Kai Havertz ma aysan aadin xulalkooda iyadoo xiddiga Mareykanka uu dhaawac muruqa ah qabay halka xiddiga Jarmalka lagu qasbay inuu labo isbuuc karantiil galo ka dib markii laga helay Korona Fayras.

Inkastoo dhaawaca Pulisic uusan halis u aheyd sida kii soo gaaray dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore hadana weli dhaawac ayuu ku maqan yahay halka Havertz uu tababarka ku soo laabtay.

Ciyaartoyda kale ee Chelsea waxay tababarka ku soo laaban doonaan maanta oo Khamiis ah ama Jimcaha iyagoo waqti kooban u heli doona inay isagu diyaariyaan kulanka Newcasyle.

Thiago Silva ayaa la filayaa inuusan ciyaari doonin madaama uu haatan uun ka soo laabanayo qaarada Koonfur Ameerika.

Tababare Lampard ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta ku yiri:

“Thiago Silva haatan ayuu soo degay, wuxuu fariin ii soo diray galabta. Sidaasi darteed kama qeyb qaadan doono kulanka Newcastle sababtoo ah safarka waqtiga dheer uu soo galay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here