Koox La Liga Ka Dhisan Oo Iska Diiday Lionel Messi

0
242

JOWHAR (Radio Isnaay)Saacado ka dib markii Lionel Messi uu qirtay inuu ka daalay in wax walba oo ka qaldan Barcelona isaga lagu eedeeyo, madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa cadeeyay inuusan jirin boos xiddiga reer Argentina ugaga banaan kooxda Atletico.

Madaama ay xagaagii la soo wareegeen Luis Suarez, waxaa la soo jeedinayay in Atletico ay Messi ku soo jiidan karto inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiisa, laakiin taasi uma muuqato mid dhaceysa.

“Messi boos ugagama banaana Atletico sababoo ah inaga inooma diiwaangashana” ayuu Cerezo sharaxaad ku bixiyay wareysi uu siiyay Cadena SER.

“Waa ciyaaryahan Barcelona ah, waxa isagu biiray dhibaatooyin badan oo xaalad caadi ah aysan ku dhici laheyn isaga. Barcelona ma ogolaan doonto inuu baxo. Marka biyaha ay degaan, waa uu laaban doonaa. Waan ku faraxsanahay waxa aan heysano haatan.”

Ka hor kulanka Sabtida ee Atletico Madrid iyo Barcelona, tababare Diego Simeone ayaa wajahaya madax xanuun dhanka weerarka ah iyadoo Suarez uu ka maqan yahay ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.

Cerezo ayaa ka carooday xaalada Suarez isagoo soo jeediyay in xulalka aysan raacin tilmaamaha caafimaadka ee ay raacaan kooxaha. “Ma ahan wax aan koontarooli karno” ayuu yiri.

“Spain waxaa ka jira sharci ay tahay in la raaco; ciyaartoyda kuma qubeysan karaan qolka labiska, waa inaan baarno ciyaartoyda ka hor iyo ka dib tababar kasta. Cida guuldareysatay waa kooxaha. Waa nasiib xumo in labo ka mid ah ciyaartoydeena uu ku dhaco Korona Fayras.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here