Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo Maanta gaaray Beledweyne

0
147

JOWHAR (Radio Isnaay)Madaxweyne ku xigeenka maamul Goboleedka Hir-shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Booqashada Madaxweyne ku xigeenka dhowaan la doortay ee magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay tahay sidii uu bulshada ku nool magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan uu kala hadli lahaa sidii ay ugaga qeyb qaadan lahaayeen midnimada Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dhowaan uu booqan doono magaalada Beledweyne Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here