Xiriirka La Liga Oo Go’aamiyey Mushaharka Ugu Badan Ee Ay Kooxuhu Bixin Karaan.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maamulka Horyaalka La Liga ayaa shaaciyey xaddiga lacagta ay koox waliba mushahar ahaanta u bixin karto xili ciyaareedkan, taas oo lagu salleeyey miisaaniyadda naadi walba.

Barcelona oo mushaharka ay bixin karto loo ogolaa inuu ugu badnaan noqdo £601 milyan oo Gini ayaa lagu wargeliyey in aanu mushaharkooda xili ciyaareedkan ka badan karin £342 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in ku dhowaad kala-badh ay mushaharkeeda hoos u dhigi doonto.

Real Madrid ayaa nefis ka dareemaysa marka loo eego Barcelona, waxaanay sannadkii hore xaddidaada mushaharkeedu uu ahaa £574 milyan oo Gini oo aanay ka sare marin karin, waxaana hadda laga dhigay £419 milyan oo Gini oo aanay hal centi ku kordhin karin, haddii ay samaysana ay ganaax mutaysan doonto. Laakiin Real Madrid ayaa haysata fursad ay ku bixin karto mushahar ka badan inta barcelona, waxaanay dheer tahay £77 milyan oo Gini.

Sannadkii hore ayay Barcelona dheerayd Real Madrid lacag dhamayd £17 milyan oo Gini, balse hadda waxa saamayn ku yeeshay xanuunka Korona Fayras oo dakhligooda dhulka la galay.

Atletico Madrid ayaa noqotay kooxda saddexaad ee mushahar bixinta ugu badan loo xaddiday, waxayse si aad ah uga hoosaysaa intii sannadkii hore loo qoondeeyey. £344 milyan oo Gini oo hore loogu ogolaa ayaa waxa hadda lagu soo koobay £226 milyan oo kaliya.

Dhamaan kooxaha ayaa ku qasban inay hoos u dhigaan mushaharka ciyaartoydooda, si ay ugu hoggaansamaan jaan-goynta cusub ee mushaharooyinka.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa mushahar ahaan u qaadan jiray 61 boqolkiiba miisaaniyadda soo gasha kooxda oo ahayd £940 milyan oo Gini ka hor intii aanu xanuunka Korona Fayrasku dunida ku habsanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here