Xulka Qaranka Brazil Oo Warbixin Cusub Kasoo Saaray Xaalada Korona Fayras Ee Daafaca Man United Ee Alex Telles

0
147

JOWHAR (Radio Isnaay) Xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaalada daafacooda bidix iyo kooxda Manchester United ee Alex Telles kaas oo ay warar dhawaan soo baxay sheegayeen in markale laga helay xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras.

Haatan xulka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in baadhitaankii ugu dambeeyay xanuunka gabi ahaanba lagaga waayay Alex Telles waana war farxad u ah kooxdiisa oo uu dhawaan ka dhaawacmay Luke Shaw oo ay booska daafaca bidix wadaagaan.

Telles ayaa hadda diyaar u noqon doona kulanka isreeb-reebka tartanka koobka aduunka ee uu qarankiisa Samba la ciyaari doono dhigooda Uruguay.

Warbixinta caafimaad ee Brazil ayaa lagu yidhi “Daafacu xilli horeba waxa uu qabay xanuunka, waxa uu ahaa mid aan calaamado lahayn oo ku jira xaalad uusan xanuunka gudbin karin, laakiin uma uusan safri karayn Uruguay”

“Baadhitaankii ugu dambeeyay, si kastaba, baadhitaankii Telles waxa uu soo laabtay in lagaga waayay xanuunka, daafacana waxa loo fasaxay kulanka”

Telles ayaa bishii hore ee October laga helay caabuqa waxaana uu natiijo ahaan seegay afar kamida kulamada Red Devils balse kooxda ayaa ku rajo weyn inuu uga qayb qaadan doono kulankooda Sabtida ee ay West Browmich Albion soo dhawayn doonaan.

Telles ayaa bedel ku yimid kulankii ugu dambeeyay ee xulkiisu uu guusha cidhiidhiga ah kasoo gaadhay dhigooda Venezuela.

27 sano jirkan ayaa FC Porto kaga yimid United xagaagii balse Ole Gunnar Solskjaer ayaan soo xulan marka laga yimaado kulankii Paris Saint-Germain ee Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here