Halyeey Antonio Cassano Oo Doortay Midka Wanaagsan Messi Iyo Maradona

0
122

JOWHAR (Radio Isnaay) Halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa dareenkiisa ka dhiibtay xaalada kooxda Barcelona gaar ahaan xaqiiqada ah inay suuqii xagaaga fasaxeen weeraryahan Luis Suarez iyagoo booskiisii weeraryahanka dhexe Antoine Greizmann u adeegsanaya.

Cassano ayaa ahaa mid kamida martida TV-ga Bobo oo ah barta Instagram-ka ee saaxiibkiisii Talyaaniga ee Christian Vieri kaas oo halkaas waraysiyo  kaga qaada xiddigihii ay hore koox wadaaga usoo noqdeen.

Antonio Cassano ayaa sheegay inay waali ahayd aragtidii Barcelona ee ahayd inay kooxda  ka fasaxaan Suarez oo lix sano gudaheed goolal badan ugu dhaliyay isla markaana ay booskiisii Greizmann oo aan asal ahaan No.9 ahayn u adeegsadaan.

Cassano ayaa yidhi “Luis Suarez aad ayuu u weyn yahay miyaa? aniga ahaan fikrad waali ah ayay ahayd in loo ogolaado inuu Barcelona ka tago, 350 gool ayuu ku dhaliyay lix sano mana fahmayo sababta ay isaga ugu ogolaadeen inuu baxo oo ay weeraryahan dhexe ahaan ugu adeegsanayaan Greizmann.

Dhinaca kale Cassano oo wax laga weydiiyay midka wanaagsan halyeeyada ree Argentina ee Lionel Messi iyo Diego Maradona ayaa Messi doorbiday isaga oo waxyaabaha uu ku dooranayana raaciyay.

“Messi 70 gool ayuu ku dhaliyay maaliyada Argentina Maradona-na kaliya 30 ayuu ku dhaliyay, Messi inta badan weeraryahano wanaagsan ayuu xulka qaranka kaga garab ciyaarayay balse waxa niyad jabiyay goolhayayaal iyo daafacyo liita”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here