Trump oo Tweeter kiisa ku Shaaciyay Guusha Biden

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Donald Trump ayaa u muuqda inuu qirey markii ugu horeysay in ninka la tartamaya ee Dimuquraadiga ah Joe Biden uu ku guuleystey doorashadii madaxweynenimada Mareykanka, laakiin wuxuu sidoo kale ku celiyey sheegashadiisa aan daliilka loo hayn ee ah in uu dhacay musuqmaasuq baahsan.

Wuu guuleystay sababtoo ah doorashadii waa la dhacay”ayuu ku soo qoray Twitter.

In kasta oo looga adkaaday doorashadii 3-dii Nofeembar, Mr Trump illaa hadda wuu diiday inuu qirto.

Wuxuu ka bilaabay dacwado badan gobolada muhiimka ah laakiin ma uusan keenin wax cadeyn ah oo adkaynaysa sheegashadiisa ku aaddan in ay dhacday khiyaano.

Dadaalladiisii sharciga ahaana illaa iyo hadda laguma guuleysan.

Jimcihii, saraakiisha doorashada waxay sheegeen in codbixintu ay ahayd “tan ugu amniga badan taariikhda Mareykanka” mana jirin “wax caddeyn ah oo muujinaya in nidaamka codbixinta qaar laga tirtiray ama qaar la lmuiyey, ama la beddelay ama codadkii uu si uun wax u yeelay”.

Si kastaba ha noqotee, Mr Trump wuxuu diiday inuu qirto guusha Mr Biden illaa iyo hadda.

Jimcihii, afhayeenka Aqalka Cad, Kayleigh McEnany ayaa u sheegtay Fox News: “Madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay inuu noqon doono madaxweyne Trump, uuna helayo xilli labaad.”

Shir jaraa’id oo isla maalintaas ah, Mr Trump wuxuu yidhi “yaa og” maamulkee mustaqbalka sii jiri doona.

In kasta oo uu qirayo guushii Mr Biden, marka loo eego qoraal Twitter-ka uu soo dhigay Axaddii, haddana madaxweynaha ayaa sii waday in uu yidhaahdo “weli ma qiran WAXBA!”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here